Xeerka Adeegga Aaska Umma.

Xeerka Adeegga Aaska Umma ee Midlands.

Xubin ka noqoshada Aaska Umma

  1. Adeega Aaska Umma waxa xubin ka noqon kara:
  2. Qoys ka kooban aabbo, hooyo iyo caruurtooda oo isku address ah, isku-na Dhaqaale
  3. Reer kakooban Aabbo iyo hooyo oo aan caruur lahayn.
  4. Qofka keligii ah oo 18 sano ka wayn.

 

  1. Qofka xubin ka noqonaya Aaska Umma waa inuu asal ahaan yahay Soomaali.

 

  1. Qoyska isqaba waa in midkood yahay Soomaali.

 

  1. Xubinnimada qoyska ama qofka kaligii ah waxuu xubin buuxda noqonayaa marka uu soo dhamays tiro qodobada hoos ku qoran- A) Marka qofku yimaado xafiiska isagoo wata warqad aqoonsi ah. Waa qofka wayen- B) marka foomka xubinninmada la buuxiyo- C) Marka lacagta la bixiyo- D) Marka proof addres la keeno xafiiska umma

 

 

  1. Qofka xanuusanaya ee jiifa Isbitaalka ama guriga hadii xaaladdiisa caafimaad ay aad u liidato, lama diiwaan galinayo inta xaaladdiisa caafimaad soo kabanayso.

 

 

 

  1. Hadii xubini bedesho addresskeeda ama telefoonkeeda, fadlan degdeg ugu soo gudbi Aaska Umma ciwaanka iyo telefoonka cusub.

 

  1. Aaska Umma xubin kama noqon karo qof aan si rasmi ah u degganeyn gobolka Midland, oo aan ku jirin nidaamka dhaqaalaha UK.

 

  1. Waxaa xubin ka noqon kara iskaashiga umma, dadka degan westmidlands oo kaliya.

 

Lacagta Aaska Umma

 

  1. Lacagta xubinnimadu waa £40 qoyska sanadkii.
    Lacagta xubinnimadu waa £30 qofka kalid aah sanadkii

 

  1. Lacagta Aaska Umma Lagama aasi karo qof aan xubin ka ahayn umma.

 

  1. Xisaabta baanka ee “Umma” lagama saari karo lacag kabadan £500.

 

  1. Hadii qof dhinto waxa lacagta loo shubayaa hay’ada aastay qofka dhintay hadday leedahay bank account, hadii kale xawilaad ayaa loogu dirayaa.

 

  1. Lacagta aaska looma isticmaali karo waxaan ahayn arrimaha aaska.

 

  1. Haddii geeriyi timaado iyadoo accountka iskaashiga “Umma” madhanyahay guddida iskaashiga ayaa ka soo ururinaya dadka muslimiinta ah kharashka loo baahanyahay.

 

  1. Haddii ay dawladda UK wax lacag ah u soo celiso qoyska geeridu ku timid, 30%( sodon boqolkiiba waxaa leh qoyska)70%( todobaatan boqolkiibana} waxaa leh iskaashiga umma.

 

  1. Haddii geeriyi timaado, qofka ku bixiya Lacagta Baanka Umma, waxaa Laga rabaa caddeyn in u bixin-jiray lacagta 3 bilood ee ugu dameeyey “bank statement”.

 

  1. Qofka xubinnka ka noqonaya Aaska Umma lacagta uu bixinaya waa u saddaqo.

Qofka xubinnimadiisa ma waayi karaa?

 

  1. Qofku wuxuu xubinnimadiisa ku waayi karaa:

 

  1. Haddii uu iskii uga baxo Aaska Umma
  2. Haddii uu lacagta xubinnimada bixin waayo.
  3. Haddii aanu run ka sheegin foomka uu buuxiyey.
  4. Haddii uu soo dhamaystiri waayo lacagta iyo qoraalka foomka, mudo 15 casho gudahood ah.

 

  1. Qofka xubinnimadiisa laga saarayo Aaska Umma waa in loo hayaa wax cad oo looga saaray,  sida waraaq loo diray ama voice loo duubay iwm.

 

  1. Qofkii xubinnimadiisu dhamaato waxaa la xasuusinyaa mudo ku siman afar todobaad haddii uu intaas lacagta ku bixin waayo waxaa loo kordhinyaa (15) casho, hadduu in taa ku bixin waayo wuu waayayaa xubinimadiisii.

 

 

Muxuu ka bixinayaa Aaska Umma qofka geeriyooda

 

  1. Qoyska geeridu ku timaado waa in ay keenaan warqadda caddeyneysa qofka dhintay , baasaboorka iyo addreska oo buuxa. Waa in la caddeeyaa in qofkaasi uu adreeskaas degganaa saddexdii bilood ee u dameeysay.

Waxxa laga rabaa qofka wayen proofs sida

  1. Council Tax
  2. Rent bill
  3. Gas bill
  4. Water biil

Waxaa laga rabaa caruurta proofs sida

  1. Child Benefit
  2. Child Tax credit
  3. Jobcentre
  4. School
  5. Student College
  6. Student University

 

Haddii aan la keenin caddeymahaa,  kor ku xusan Iskaashiga Aaska Umma wax kharash ah mabixinayo.

 

 

 

  1. Haddii xubin ka tirsan Iskaashiga Aaska Umma uu geeriyoodo, meel kasta ha ku geeriyoodee, iskaashiga Umma wuxuu bixinayaa kharashka aaska sida:  godka, gaadhiga, sanduuqa, kafanta iyo meydhista oo keliya. Haddii ay dhacdo in qof geeriyooday loo qaadayo oo lagu aasayo magaalo kale ama dal kaleba, Umma ma bixinayso kharashka qaadidda. Waxaa kale oo loo baahanyahay qofka dalka dibaddiisa ku geeriyooda inuu ugu yaraan afar bilood xubin ka ahaa Iskaashiga aaska Umma.

 

 

23. Ilmaha caloosha hooyada ku geeriyooda oo uu waalidkiisu xubin ka ahaa Iskaashiga Aaska Umma, waxay Umma aaska ka bixinaysaa oo kaliya, haddii uu waalidku ugu yaraan saddex bilood xubin ka ahaa iskaashiga Umma.

 

 

24. Xubin ka tirsan Aaska Umma Hadday u quurto wadanka UK gudihiisa, ama debeddiisa wey sii wadan kartaa xubinnumadeeba, hadday bixiso lacagta xubinnimada waqtigeeda.

 

QORAALKANI  WUXUU  DHAQAN  GALAY BISHA  January 2017.