Xeerka Adeegga Aaska Umma ee wadankan UK

umma

Xeerka Adeegga Aaska Umma ee wadanka UK

            Hordhac:

 

Adeega aaska umma ee wadanka UK, waxaa la aasaasay 1/03/2012.

Markii la ogaaday baahida weyn ay u qabaan umadda soomaaliyeed, ayaa waxaa la sameeyay iskaashigan oo loogu magac daray Iskaashiga Umma.

Adeegga Aaska Umma ee UK,  oo markii hore ka howl geli jirey keliya gobolkan midlands, ayaa hadda wuxuu ka howl geli doonaa dhamaan wadanka Uk. sababtoo ah markii leysla arkey baahida weyn ee ka jirta gobolada kale ee wdanaka .

Adeegga Aaska Umma wuxuu  ka caawinayaa dadka xubnaha ka ah

dhamaan wixii adeeg ah  ee ay u baahan yihiin, khuseeyana  arimaha aaska(duugta) .

Dadka doonaya inay xubin buuxda ka noqdaan iskaashigan, waxaa laga

rabaa in ay akhriyaan xeerka iskaashiga Umma ka hor intaaney xubin ka noqonin.

                     

Xubin ka noqoshada Aaska Umma

  1. Adeega Aaska Umma waxa xubin ka noqon kara:
  2. Qoys ka kooban aabo, hooyo iyo caruurtooda oo isku addres ah, isku-na dhaqaale ah. Caruurtu waa inay tagaan sida                                                                 School / College / University

Fiiro gaar   ah                                                                                                        ilmaha  aan wax barasho ku jirin foom gaar ah ayaa loo buuxinayaa.

  1. Reer ka kooban Aabbo iyo hooyo oo aan caruur lahayn.
  2. Qofka keligii ah oo 18 sano ka wayn.
  1. Qofka xubin ka noqonaya Aaska Umma waa inuu asal ahaan yahay Soomaali ama waa in lamaanaha is qaba midkood yahay Soomaali.
  2. Xubinnimada qoyska ama qofka kaligii ah, waxuu xubin buuxda noqonayaa marka uu soo dhamays tiro qodobada hoos ku qoran.
  1. Marka qofku yimaado xafiiska Umma, waa in uu sito ID iyo proof of address oo ah saddexdii bilood ee ugu danbeysey.
  2. ID waxa uu noqon karaa passport, iyo driver licence.
  3. Proof of address oo ah sida, water bill , council tax, gas bill, iyo child benefit.
  4. marka foomka xubinninmada la buuxiyo , lacagtana bixiyo cash.
  1. Qofka xanuusanaya ee jiifa Isbitaalka ama guriga,xubin kama noqon karo iskaashiga umma, inta xaaladdiisa caafimaad ka soo wanaag sanaaneyso xafiiskana iman karo.
  1. Iskaashiga Umma xubin kama noqon karo qof aan si rasmi ah u degganeyn wadankan Uk, oo aan ku jirin nidaamka dhaqaalaha UK.

Lacagta Aaska Umma

 

  1. Lacagta xubinnimadu waa £50 qoyska sanadkii.
    Lacagta xubinnimadu waa £30 qofka kalida ah sanadkii.
  1. Lacagta Aaska Umma Lagama aasi karo qof aan xubin ka ahayn umma.
  1. Hadii qof dhinto waxa lacagta loo shubayaa hay’adda aastay qofka dhintay hadday leedahay bank account, hadii kale sidii suurtagal ah ee waafaqsan sharciga wadankan Uk.

10.Lacagta aaska looma isticmaali karo waxaan ahayn arrimaha aaska.

11.Haddii geeriyi timaado, iyadoo accountka iskaashiga “Umma” madhanyahay, guddida iskaashiga ayaa ka soo ururinaya dadka muslimiinta ah, kharashka loo baahanyahay.

12.Haddii geeri timaado, qofka ku bixiya Lacagta bangiga Umma

( direct debit), waxaa Laga rabaa caddeyn in u bixin-jiray lacagta 3 bilood ee ugu dambeeyey “Bank Statement”

13.Qofka xubinka ka noqonaya Aaska Umma,  lacagta uu bixinayaa waa u saddaqo.

14.Qofku wuxuu xubinnimadiisa ku waayi karaa:

  1. Haddii uu iskii uga baxo Aaska Umma.
  2. Haddii uu lacagta xubinnimada bixin waayo.
  3. Haddii aanu run ka sheegin foomka uu buuxiyey.
  4. Haddii uu soo dhamaystiri waayo lacagta iyo qoraalka foomka, mudo 15 casho gudahood ah.

 

15.Qofka xubinnimadiisa laga saarayo Aaska Umma waa in loo hayaa

wax cad oo looga saaray,  sida waraaq loo diray ama voice loo

duubay iwm.

16.Qofkii xubinnimadiisu dhamaato waxaa la xasuusinayaa mudo bil ah, haddii uu intaas lacagta ku bixin waayo waxaa loo kordhinayaa 15 casho,hadduu in taa ku bixin waayo wuu waayayaa xubinimadiisii.

Qoyska  geeridu ku timi maxaa laga raba

17.Qoyska geeridu ku timaado, waa in ay keenaan warqad caddeyneysa qofka dhintay , baasaboorka iyo addreska oo buuxa. Waa in la caddeeyaa in qofkaasi uu adreeskaas degganaa saddexdii bilood ee u dameeysay.

         Waxa laga rabaa qofka weyn proofs sida:

  1. Council Tax
  2. Rent bill
  3. Gas bill
  4. Water biil

Waxaa laga rabaa caruurta proofs sida

  1. Child Benefit
  2. Child Tax credit
  3. Jobcentre
  4. School
  5. Student College
  6. Student University

Haddii aan la keenin caddeymahaa,  kor ku xusan Iskaashiga

Aaska Umma wax kharash ah oo ay bixineyso ma jiro.

18.meelkasta oo qofku ku geeriyoodo iskaashiga Umma way ka bixinaysaa kharashka aaska oo keliya, sida godka xabaasha,gaadhiga lagu qaadayo maydka, kafanta iyo maydhista. Wixii intaas aan kor ku soo sheegney aan ahayn iskaashiga Umma kama qayb qaadanayo .

xeerka guud ee iskaashiga umma

19.Ilmaha caloosha hooyada ku geeriyooda oo uu waalidkiisu xubin ka ahaa  iskaashiga Aaska Umma, waxay  ka bixinaysaa  oo kaliya,

haddii uu waalidku ugu yaraan saddex bilood xubin ka ahaa Umma.

20.Xubin kasta oo ka tirsan iskaashiga Umma meel kasta oo ay u

guurto wey sii wadan kartaa xubin nimadiisa  , haddii uu si joogta

ah u bixinayo lacagta xubinimada .

21.Hadii qof ka tirsan  iskaashiga umma ku dhinto meel ka baxsan

Wadanaka  uu degennaa, ama ku noolaa ,iskaashiga umma ma bixinayo  kharashka  lagu soo qaadayo.

22.Qofkasta oo ku dhinta Uk, waxaa laga bixinayaa lacagta laga bixiyo

Dadka ku dhinta  Birmingham.

23.  Qofka ku dhinta, Asia,Africa,Europe,America iyo Australia  waxaa laga  bixin doonaa kharashkii ku baxay meeshii uu ku Dhintey.

laakiin Qofkaasi waa in uu ku jiray lix bilood (6 bilood) Iskaashiga Umma, hadii kale laga bixin maayo wax kharash ah.

24.Qofkasta oo foomka ku soo buuxiya online wuxuu Xubin

buuxda noqonayaan 45 casho ka dib, laga soo bilaabo maalintii uu

lacagta  bixiyey.

25.  Dadka ka baxsan Gobolka  midlands    hadii ay ka badan yihiin 10qoys, looma  baahna dhamaantood inay

Yimaadaan xafiiska Umma ee  Birmingham

Waxayna samaysanayaan qof u dhexeeya iyaga iyo xafiiska Umma.